(Dhaka) 05 Agoosto 2018 – Kolonyo gelbinaysay danjiraha Maraykanka u fadhisa magaalada Dhaka ee looga arrimiyo dalka Bangladesh ayaa weerar lagu qaaday, jeer ay dalkaasi ka socdaan dibad baxyo ay dhigayaan arday ka cabanaysa amaankeeda.
Gaariga rasmiga ah ee safiiradda Maraykanka u joogta Bangladesh Marcia Bernicat, ayaa waxaa lagu weeraray degmada Mohammadpur ee magaalada Dhaka waxaana weerarka ka dambeeyay “koox rag ah oo hubaysan, oo ay qaarkood mootooyin ku joogeen,” sida ay sheegtay isla safaaraddu.
Danjiraha, iyo sidoo kale ilaaladeeda iyo darawalladeeda ayaan wax dhaawac ah loo gaysanin, balse waxaa weerarka ku burburay laba ka mid ah gawaaridii danjiraha galbinaysay.
Weerarka ayaa dhacay xilli ay safiiraddu ka dhaqaaqday halka uu deggan yahay Badiul Alam Majumder, oo ah xoghayaha koox ka mid ah bulshada rayidka ah oo la yiraahdo Shujan, saacaddu markii ay 11:00pm xalaytoole.
(3/3)..who have been peacefully exercising their democratic rights in supporting a safer Bangladesh.
— U.S. Embassy Dhaka (@usembassydhaka) August 5, 2018
(2/3) While we don’t condone the actions of a few who have engaged in senseless property destruction, including of buses and other vehicles, nothing can justify the brutal attacks and violence over the weekend against the thousands of young people..
— U.S. Embassy Dhaka (@usembassydhaka) August 5, 2018

Hadalsame Media