LASEXTA DEPORTES: ”Modric oo ka baaraandegaya inuu ku biiro kooxda Inter Milan”

0

(Madrid) 05 Agoosto 2018 – “Luka Modric ayaa si dhab ah uga baaraandegaya inuu ka tago Real Madrid”. Waa cinwaan uu qoray warsidaha “laSextaDeportes” kaasoo intaa raaciyay in Inter ay laacibkaa ku shukaaminayso qandaraas qaali ah.

Inter ayaa doonaysa inay Croatian-kan miiska u saarto 10 milyan oo euro sanadkii muddo 4 sanadood ah, yeelkeede, Real ayaa arrintaa ciyaar u aragta, waayo waxay aaminsan tahay inaysan is keenaynin qorshaha dhaqaale wanaagga UEFA financial fair play oo aysan Nerazzurri weli ka lug bixin.

Si kastaba, waxay Bernabeu ku kalsoon tahay in aanay Inter weli laacibka ka gows haysanin, balse “laSextaDeportes” ayaa qoraya in heshiiska “uu dhiirrigelinayo oo dabada ka wado” wakiilka laacibka ee Pedja Mijatovic, oo tan iyo dhamaadkii Koobka Adduunka Modric ku qalqaalinayay inuu Madrid uga wareego Milano. La se arki doonee.

Hadalsame Media