(Jigjiga) 04 Agoosto 2018 – Xaaladda JIGJIGA ayaa haatan woxoogaa deggan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Cabdi Maxamud Cumar ay dabada ka riixayaan qowmiyadda Tigreega oo diidan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, doonayana in la iskusii dhufto qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, si ay uga dhex faa’iiaystaan.
Dhanka kale, Cabdi Ileey oo u aanaysan Soomaali oo idil, ayaa markii uu doorku ku yimid soo dhegsadey sheeko ah inuu doonayay inuu ka shaqaysiiyo qodobka 39-aad oo gobol kasta u ogolaanaya inuu ka go’i karo Itoobiya, waloow uusan taana qof kaligii ku dhawaaqi karin oo afti iyo ogolaansho labada dhinac ah loo baahan yahay.
Misna sida ay sheegayaan warar uu Hadalsame ilo hoose ka helayo, sidaaba maahe wuxuu Cabdi Ileey ka dhega adeeygay amar ka yimid Addis Abeba oo ku amartay inuu soo galo, iyagoo dareensan inuu weli u janjeero dhanka nidaamkii dhacay ee Tigreega.
Update:This came after Abdi sent members of Liyu police to disrupt ongoing meeting by hundreds of Ethio #Somalis in #DireDawa city. As partial result of the threat the city declared a military command post on Thursday. The gathering in Dire Dawa is called to denounce Abdi Illey. pic.twitter.com/AJoCqJ7Y2q
— Addis Standard (@addisstandard) August 4, 2018
Warar kale ayaa sheegaya inuu Ileey dil ugu hanjabey qolo isaga diiddan oo ku shireeyda magaalada Diri Dhaba, taasoo lagu sheegay sababta keentay inay millaterigu la wareegaan JIGJIGA.
Update: Video posted on Rajo, a #Somali region based social media news site, purportedly shows what looked like a possible start of anarchy by what the site called “vigilante group Heego”. It’s also reporting looting & other forms of chaos in Dhegahbur, Jarar Zone near #Jigjiga. pic.twitter.com/THDn8sEr7i
— Addis Standard (@addisstandard) August 4, 2018
Hadalsame Media