SIR LA DAADIYAY: Ruushka oo aad uga caroodey Maraykanka oo faafiyay SIR uu la wadaagey!

0

(Moscow) 04 Luulyo 2018 – Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanka ayaa cambaarayn kala dul dhacday Washington kaddib markii warbaahinta loo dusiyay hindise qarsoodi ahaa oo ay Moscow Maraykanka ugu bandhigtay qorshe ku aaddan inay iska kaashadaan arrimaha aadminimada ee dalka ay dagaalladu daashadeen ee Suuriya.

Yabooha Ruushka, oo ay marsiiyeen hilinno isgaarsiineed oo qarsoodi ah oo ka dhexeeya labada millateri ee labada dal, ayaa markii hore loo dusiyay wakaaladda wararka Reuters, kaddib markii ay dowladda Maraykanku si kas ah xogtaasi ula wadaagtey.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa haatan sheegtay in warkaa ku saabsan inay ciidamada labada dal ka wada shaqeeyaan arrimaha aadaminimo oo qarsoodi ahaa uu diray amaanduulaha ciidamada Ruushanka, General Valery Gerasimov, isagoo u diray dhiggiisa amaanduulaha ciidamada Maraykanka, US Marine General Joseph Dunford, bartamihii Luulyo.

“Waxaannu quud darraynaynaa in Maraykanku uu qaadi doono tillaabooyinka daruuriga ah, si mustaqbalka aan loogu tumanin heshiisyada ay wada gaaraan labada dal.” ayay tiri Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

Hadalsame Media