(Ankara) 04 Agoosto 2018 – Madaxwaynaha Turkiga ayaa amar ku bixiyay in gebi ahaanba la xayiro hantida Wasiirrada Cadaaladda iyo Arrimaha Gudaha Maraykanka ka taalla dalkaasi Turkiga, wax noqonaya tillaabo middi middi ku taag ah oo lagaga dhiidhinayo cunaqabatayn ay Washington kusoo rogtey Ankara.
Turkey ayaa fariisin doonta hantida labadan wasiir, sida uu goor dhowayd ku dhawaaqay madaxwayne Recep Tayyip Erdogan, waxayna jawaab cad u tahay tillaabo isla middaa u dhiganta oo ay Washington ku xayirtay hantida Wasiirka Cadaallada Turkiga Abdulhamit Gul iyo midka Gudaha Suleyman Soylu taasoo looga dabaaqayay xiritaanka wadaadka Pastor Andrew Brunson.
“Tillaabadii ugu dambaysay ee uu Maraykanku ka qaatay xiritaanka Pastor Brunson ee İzmir ma aha wax ku habboon jaal istaraatiji ah,” ayuu yiri Erdogan oo uu soo xiganayo Hurriyet, isagoo sheegay in Maraykanu uu Turkiga u muujiyay “xushmad darrro aad u xun” balse aysan dhacaynin in aan laga jawaabin.
“Ilaa shalay waannu dulqaadanaynay, balse iminka waxaan amray in la xannibo hantida Wasiirrada Cadaaladda iyo Gudaha ee Turkey taalla,” ayuu yiri Erdogan.
Hadalsame Media