(Jigjiga) 04 Agoosto 2018 – Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya magaalada JIGJIGA ee caasimadda nidaamka ay Itoobiya dhistay ee DDSI waxay sheegayaan inay halkaa iminka ka soconayaan mudaaharaadyo rabshado wata.
Dadka mudaaharaadaya ayaa la arkayaa iyagoo gubaya calanka Amxaarada ee sedexda midab ka kooban, waxaana halkaa maanta ku sugnaa ciidamo lagu sheegay inay yihiin kuwa federaalka oo magaalada isku gadaamey, lana wareegay xarumihii maamul ee muhimka ahaa ee magaalada.
Rabshadahan ayaa salka ku haya arrintaa oo sida la sheegayo ay kasii horreeysey warqad ay dowladda dhexe ee Adis Abeba usoo dirtay madaxwaynaha maamulka Jigjiga ee Cabdi Ileey oo uu ka dhega adeeygay.
Hadalsame Media