(Jigjiga) 04 Agoosto 2018 – Xildhibaannada degaanka maamulka isu yaqaanna DDSI ayaa soo diray qayla dhaan ay ku sheegayaan in la qabsaday oo ay xoog kula wareegeen ciidamada federaalka Itoobiya.
”Waqti xaadirkan xitaa ma ogin halka iyo xaalka uu ku sugan yahay madaxwaynihii (Cabdi Ileey),” ayay ku ceceliyeen. ”Qoowmiyadi qoowmiyad kale ma qabsan karto” ayuu midkood yiri isagoo ula jeeda Oromo.
Wararka hoose ee soo baxaya ayaa sheegaya in ay dowladda dhexe ee Itoobiya ay dareentay inuu Jigjiga ka soconayo wax ay u aragto ”goosi”.
Si kastaba, dadka la socdey waxyaabaha kasoo kordhay guud ahaan Itoobiya ayaa dareensan inaysan ilaa iminka Soomaalida ay Itoobiya xukuntaa la imanin wax qorshe ah, iyagoo taa biddaalkeeda isu qaybiyay dhowr qolo oo iskula jira dagaal bisadeed, halkii ay qorshe cad ula tegi lahaayeen RW Dr Cabbeey oo ilaa iminka jilaya inuu wado isbedello cusub.
Waxay xitaa ilaa iminka awoodi la’yihiin inay ka hadlaan Soomaalida ay tarab-tarabta u laynayso Oromadu.
Hadalsame Media