RASMI: Higuain & Caldara oo ku biiray AC Milan + Sawirro

0

(Milano) 02 Agoosto 2018 – AC Milan ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah ula soo wareegtey labada laacib ee Gonzalo Higuain iyo Mattia Caldara oo ay kasoo qaateen kooxda Juventus FC.

Gonzalo iyo Mattia waa laba laacib oo muhim u ah waayaha cusub ee naadigan wayn ee reer Talyaani.

Gonzalo Higuain ayaa ku yimid AC Milan amaah taxnaanaysa ilaa Juun 30, 2019, iyadoo ay Milan iibsan karto sanadka xiga.

Mattia Caldara isaga waxaa lagu bedeshey Leonardo Bonucci, oo ku noqday Juventus.

Daafacan 24-jirka ah ayaa saxiixay qandaraas uu AC Milan ku joogayo 30-ka Juun 2023.

Hadalsame Media