(Milano) 02 Agoosto 2018 – Sida uu baahinayo Sky Sport labada laacib ee Gonzalo Higuain iyo Mattia Caldara oo haatan si rasmi ah uga tirsan safka AC Milan ayaa la ogaadey lambarrada ay qaadan doonaan.
Caldara ayaa doortay lambarka 33-aad oo lagu xusuusto difaacii adkaa ee reer Brazil ee Thiago Silva, halka qannaaska Higuain uu qaatay lambar 9 oo uu sanadkii hore sitey Andre Silva, mana la oga inay wada hadleen iyo in kale.
Labadan laacib ee cusub ayaa sida uu qorayo CorSera waxay berri 12:30 tegayaan Mondo Milan, kaddibns saxaafadda ayaa loosoo bandhigi doonaa saacadda maxalliga ah ee Talyaanigu marka ay tahay 14:00, kaddibna waxay taageerayaasha ku salaami doonaan Piazza del Duomo 16:30.
Franck Kessie, ayaa dhanka kale dib u helaya lambarka dookhiisa ah ee 19 oo uu banneeyay Bonucci oo xagaagii tegey isaga ka codsaday, isagoo dhigaya midka 79-aad.
Lambar 19 ayaa muhim u ah Ivorian-ka khadka dhexe, waayo waa maalintii aabihii dhintay, mar waa maalinta uu isagu dhashay, marna waa maalintii uu Talyaaniga yimid, taasoo ahayd sababta keentay inuu aad uga caga jiido inuu lambarkaa Bonucci ku wareejiyo.
Hadalsame Media