(Muqdisho) 02 Agoosto 2018 – Kulan xasaasi ah oo ku saabsan dib u eegista dastuurka dalka oo muqdisho ka socda.
Waxaa kulankan ka qeyb galaya gudiyada madaxa banaan ee kala ah gudiga xuduudaha iyo federaalka iyo gudiga lasocodka iyo dib-u eegista dastuurka dalka, xubno kasocda wasaradda dastuurka iyo wakiilo kakala socda wasaaradaha dastuurada maamul goboleydyada dalka.
Dooda ayaa ku saabsan soo bandhigidda aragtida gudiga madaxa banaan xuduudaha federalka, shuruudaha dhameystirka sharciyada dowlad-goboleesyada iyo qaangaarsiinta dowlad-goboleedyada dalka.
Waxaa kulanka ku sugan guddiga arimaha dastuurka ee aqalka sare dalka.
Hadalsame Media