”Ingiriisoow soo celiya lacagaha nalaka dhacay!!” – Imran Khan

0

(Islamabad) 02 Agoosto 2018 – Imran Khan, Raysal Wasaaraha cusub ee Pakistan, ayaa dalka Britain ka codsaday inay soo celiyaan lacaga ay dalkaasi dhigteen siyaasiyiinta musuqa ah ee reer reer Pakistan, gaar ahaan London.

Xiddiggii hore ee ciyaarta cricket-ka ayaa kulankii ugu horreeyay ka yeeshay mas’uullo ka socda dalkaasi Britain tan iyo markii xilka loo dhaariyay, si uu madaxda UK ugu sheego inay soo celiyaan lacagaha la dhunsaday ee dalkaasi la dhigtay, sida uu qorayo The Telegraph.

Kulan uu la yeeshay Thomas Drew, oo ah komishinerka sare ee UK u jooga Pakistan ayaa Khan u sheegay “in ay aad iskugu dayayaan inay dalkaas u celiyaan lacagaha lagala soo goostay ee la dhigtay UK.”

Hadalsame Media