Sucuudiga oo xabsiga dhigay wadaad dhaliilay xiriirka Imaaraatka & Yuhuudda

0

(Riyaad) 01 Agoosto 2018 – Sida ay sheegayaan ilo aan rasmi ahayn oo Sucuudi ah, wuxuu nidaamka dalkaasi xirey wadaad Sucuudiyaan ah oo la sheegay inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqa baraarugga ee Sahwa Movement, kaasoo la yiraahdo Sheikh Safar Al-Hawali, isagoo ay xitaa wehliyaan wiilashiisa qaarkood.

Koonto Twitter oo lagu magacaabo “Moatqali Al-Ray” (Maxaabiistii Damiirka) ayaa daabacay in wadaadka xabsiga la dhigay ka gadaal markii uu Sheikh Al-Hawali, 68 jir, daabacay buug la yiraahdo Muslimiinta iyo xadaaradda reer Galbeedka kaaso uu si aad ah ugu weeraray qoyska ka taliya Sucuudiga iyo weliba wiilka leh dhaxalka Abuu Dabeey, Mohammed bin Zayed.

Koontada Prisoners of Conscience ayaa sheegtay in ciidamada amaanku ay weerareen guriga wadaadka Al-Hawali, kaddibna ay indhaha ka xireen isaga iyo wiilkiisa Ibraahim, waxay kaloo cabsi geliyeen carruurta guriga joogtay, iyagoo la wareegay telefoonno gacmeed iyo agab kale oo elektroonig ah.

Buugga Sheikh Al-Hawali oo ka kooban 3000 oo bog kaasoo uu ku dhigay in qoyska reer boqor ay “ay kharashkii dalka ku dhameeyeen mashaariic maran”, wuxuu sidoo kale aad u weeraray xiriirka Mohammad Bin Salman iyo Yuhuudda oo uu ku tilmaamay “dhagar”, isagoo ugu baaqay inuu joojiyo qaabka uu wax u wado.

Hadalsame Media