(Milano) 01 Agoosto 2018 – Inter Milan ayaa si rasmi ah ula saxiixatay dadabka midig ee Sime Vrsaljko oo ay kasoo qaateen Atletico Madrid oo ay sanadka hore kasoo amaahdeen iyagoo kaddib iibsan kara.
Heshiiska ayaa waxaa haatan ku dhawaaqday Inter, iyadoo bixinaysa €6.5m oo ku baxaysa amaahda hore ee Vrsaljko balse waxay kaddib bixinaysaa €17.5m oo euro xagaaga soo aaddan.
Laacibkan Croatian-ka ah ayaa la fahamsan yahay inuu 4 sanadood la joogayo kooxda San Siro, wuxuuna 26-jirkani kusoo laabanayaa Serie A isagoo horay ugusoo dheeley kooxaha Genoa iyo Sassuolo, kahor intaanu Atleti ku biirin xagaagii 2016.
Hadalsame Media