
(Milano) 01 Agoosto 2018 – Gonzalo Higuain ayaa yimid hoteelka Westin Palace ee magaalada Milano, kaddib markii uu baabuur kasoo qaatay magaalada Torino, waxaana berri 8:00 subaxnimo lagu wadaa inuu caafimaadka u maro kooxda Milam.
Dhaliyahan reer Argentine ayaa war kooban siiyay warfdiyeenkii dhoobnaa bannaanka hoteelka, sida ay werinayso MilanNews.it isagoo leh: “Hagaag, hagaag, berri ayaan caafimaadka marayaa, waxaana rajaynayaa inaan heshiiska saxiixo oo aan bilaabo tacaburkan cusub.
”Waxaan salaamayaa taageerayaasha oo dhan oo ay ku jiraan kuwa Juventus oo jacayl badan ii muujiyay, halkee gaari kartaa Milan? Meesha ugu fog ee suurtagalka ah, kaddib tijaabada caafimaad waxaan sheegi doonaa waxa aan dareensan ahay, waana isla hadalnay Gattuso”. ayuu yiri Papita.



Hadalsame Media