Goorma ayay Milano & Torino kusoo kala wajahan yihiin Higuain-Caldara & Bonucci?

0

(Milano) 01 Agoosto 2018 – Taageerayaal badan oo Milanista ah ayaa haatan hor dhooban hoteelka Westin Palace, iyagoo sugaya qannaska Gonzalo Higuain oo kusoo biiraya kooxda AC Milan, iyadoo goor dhow la filayo inuu halkaa ku yimaado gaari kasoo qaaday xerada tababarka Juve ee Torino.

Gonzalo Higuain ayaa lagu wadaa inuu berri subaxdii 8:00 subaxnimo uu caafimaadka u maro kooxda Milan isagoo tegaya La Madonnina, kaddibna shaybaarka Milan Lab, isagoo deeto tegaya xerada tababarka Milanello.

Daafaca kale ee 24-jirka ah ee Mattia Caldara oo haatan kasoo safraya Maraykanka ayaa laftiisa berri 9:30 laga sugayaa garoonka dayuuradaha Malpensa isagoo kaddib iska xaadirin doona Clinico La Madonnina si uu caafimaadka u maro.

Dhanka kale Alesandro Bonucci ayaa isna durba soo galay hawada u dhaxaysa qaaradaha Ameerika iyo Yurub kaddib markii uu la qadeeyay kooxda Milan oo uu laacibiinta macasalaameeyay, isagoo berriba ku soo aaddan magaalada Torino, si uu caafimaadka ugu maro kooxdiisa.

Hadalsame Media