DAAWO: Somalia & Turkiga maxay ku saaxiibeen? Waa tan sababtu!

0

(Ankara) 01 Agoosto 2018 – Turkiga iyo Somalia oo ah laba dal oo Muslim ah balse waaqac iyo wadci ahaan kala duwan, juqraafi ahaanna kala fog ayaa sanadihii dambe xiriir dhow lahaa.

Waxay sheekada oo dhami ka bilaabatay markii uu Madaxwaynaha Turkigu uu Muqdisho booqday isagoo ah hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee sidaa yeela muddo 20 sano ku dhow.

Turkiga ayaa dadka Soomaaliyeed ku jeclaadeen hal arrin oo uu kaga duwan yahay dalal badan, waana inuusan fara gelinin siyaasadda muranka badan ee Soomaalida, isagoo taa biddaalkeeda malaayiin ku bixiyay gargaar iyo horumarin, waxaa sidoo kale aad u kobcaya xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal.

Turkish Airlines waa dayuuradda qura ee caalami ah ee Muqdisho ku xirta caalamka intiisa kale, haddaba hoos ka daawo muuqaal arrintaa laga sameeyay.

Hadalsame Media