DAAWO: Sixirroole lagu qabtay Kacbada barakaysan!!

0

(Makah) 01 Agoosto 2018 – Ciidamada amaanka Sucuudiga ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu fal sixir ah ka wadey isla Kacbada barakaysan, iyadoo lala qabtay xaaskiisa iyo agabkii uu sixirka u adeegsanayay.

Dadkii goobta joogey ayaa duubay muuqaalka qabashada kaddibna soo dhigay baraha bulshada, wuxuuna muuqaalkaasi dad badan ku ridey af kala qaad.

Dadka ayaa la yaabban sababta uu ninkani sixirkiisa ula soo doontay Kacbada, iyadoo ay Diinta Islaamka ay xaaraan ku tahay in lagu shaqaysto ama lagu dhaqmo sixirka, halka Sucuudiga ay mamnuuc tahay isla markaana sidato xarig muddo dheer ah.

Hadalsame Media