DAAWO: Muuqaal rasmi ah oo laga helay dayuuraddii ku burburtay Mexico (Ilbiriqsiyadii musiibada)

0

(Durango) 01 Luulyo 2018 – Waxaa soo baxay muuqaal rasmi ah oo laga duubay dayuuraddii ku dhacday dalkaasi Mexico ee Aeromexico gaar ahaan ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay Flight-kii 2431 ee burburtay kaddib markii ay ka kacday garoonka Durango.

Waxaa muuqaalka duubay nin ka mid ahaa rakaabkii dayuuradda, waxaana muuqaalka dayuuraddan oo siddey 103 rakaab laga arkayaa daaqadda kahor inta aysan gadaal gadaal usoo dhicin kaddib markii ay ku guul darraysatay inay hawada gasho mar ay boqollaal mitir uun u jirto jidkii ay ka kacday.

Waxaana deeto la maqlayaa jugta oo kaddib ay qaylo cabsi xambaarsani is qabsanayso, iyadoo la maqlayo oohinta carruurta iyo ba’ayaysiga haweenka.


Hadalsame Media