(Milano) 31 Luulyo 2018 – Sime Vrsaljko ayaa la filayaa inuu Talyaaniga kasoo dego fiidka caawa ah si uu berri caafimaadka ugu maro kooxdiisa, isagoo weliba xushay lambarkii uu Inter u qaadan lahaa.
Laacibkan dadabka midig ayaa €24m oo euro ku imnaya Nerazzurri oo uu uga soo wareegayo Atletico Madrid, isagoo sanadka 1-aad San Siro ku joogaya sanad amaah ah, iyadoo ay Inter wada iibsan karto xagaaga xiga.
26-jirkan Croatian-ka ah ayaa soo gaabinaya fasaxiisa si uu caafimaadka u maro berritoole, isagoo qaada doona lambarka 2-aad sida uu dhigayo Tuttosport.
Hadalsame Media