REAL MADRID VS AC MILAN: Labada camaaliqo oo ciyaaraya koobka Santiago Bernabeu (Goorma?)

0

(Madrid) 31 Luulyo 2018 – Kooxda Real Madrid ayaa webkeeda rasmiga ah si rasmi ah ugu faafisay kooxda sanadka la ciyaaraysa koob ay badanaa qabato inta aanu horyaalki furmin.

Koobka XXXIX Trophy Santiago Bernabeu oo lagu maamuuso madaxwaynihii hore ee kooxdaasi, ayaa waxaa sanadkan la ciyaaraysa kooxda AC Milan, kaasoo dhacaya 21:00, 11-ka Agoosto, markaasoo uu todobaad ka harsan yahay bilowga Serie A Tim.

“Koobkani wuxuu dhexmarayaa, labada naadi ee Yurub ugu guulaha badan, oo isu gayn ahaan qaaday 20 CL” ayaa lagu qoray webka Real Madrid.

Hadalsame Media