(Pyongyang) 31 Luulyo 2018 – Maamulka dalka Indonesia ayaa casuumaad u fidiyay madaxwaynaha North Korea ee Kim Jong-un si uu ugasoo qayb galo munaasabadda furitaanka ee Ciyaaraha Qaramada Aasiya ee soconaya 18-ka Agoosto ilaa 2-da Sebtembar 2018 ka kala dhacaya Jakarta iyo Palembang.
Wefdi heer wasiir ah ayay Indonesia u dirtay dalkaasi, kaasoo uu horkacayay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Insaanka Md Puan Maharani kaasoo Kim casuumadda u dhiibey markii ay tageen North Korea.
Wefdiga ayaa sidoo kale la kulmay Kim Yong-nam, oo ah ninka u magacaaban guddoonka Golaha Dhexe ee Shacabka N. Korea, lamase oga inuu aqbalay casuumadda iyo in kale.
Hadalsame Media