(Hadalsame) 31 Luulyo 2018 – Wareysiga BBC ee baraha bulshada qabsaday ayaan isku dayayaa in aan miisaan saxaafadeed saaro wixii aad ka fahantayna la wadaag bulshada ..!
Arar : Fadlan isku day in aad wada aqriso qoraalkan.
Su’aal: Maxaa Mas’uuliyiinta loo wareeystaa .?
Jwb : Waa in Xogta mas’uuliyadeed uu hayo dadweynaha la’wadaago …? Laga yaabo in jawaab kale aad heeyso
Haddaba aniga oo og in BBC Afka ay doonto haku hadashee ay tahay ra’yiga wariye walbaa oo dunida joogo ayaan jecleeystay in Wareysiga Farxaan Jimcaale uu la yeeshay R/W Xasan Cali Kheyrre ee hadal heyntiisu baraha bulshada qabsatay aan isku dayo in aan dhiraan-dhiriyo
Wariyuhu waa in uusan go’aan u gaarin dadka dhageysanaya ee uu xoogga saaro in xog uu ka soo saaro la wareystaha taasina waxaa lagu gaaraa su’aalo cad cad oo salka ku haya xigasho tusaale:
Sanad iyo bar ka hor waxaad u sheegtay daawadayaasheenna in aad dagaalka Al-Shabaab ku soo afjareeysaan 2 sanno waqtiga aad qabsatay mudane muddo kooban baa ka hartay …sidaasi daraadeed halkee idiin marayaa qorshahaasi..? Farxaan Jimcaale “mallays dhihi karaa waad ku guul dareysateen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ”
Marka sidan loo weydiiyo mas’uulka, su’aasha albaabadii xogta aad ku heli lahayd ayaad xirtay sidaas ayaana xogtii la doonayay in la gaaro ay ku luntaa.
Waydiimaha furan ayaa ah kuwa ugu badan ee daawadaha ama dhageystuhu uu ku helo xogta uu uga baahan yahay Farxaan Jimcaale su’aashan uu weydiiyay R/W aad ayeey u qurux badneyd waxaanu daawaduhu ogaaday heerarka laga soo maray iyo hadda halka ay mareyso qorshaha ka bixista AMISOM ee dalka waxa ayna u dheceysay “Halkuu idiin marayaa qorsha bixista Amisom…?
Malada ayaa ah cilladda ugu weyn ee dhaawacda misdaaqiyadda halka aad malo su’aal aad ku laamaanin lahayd toos ayaad u weydiin kartaa ” R/waseere Maxaad u joogtaaa garowe..? Farxaan Jimcsale “saan filaayo waxaad Garoowe u joogtaa xuska 20 sanno guuradii aasaaska Puntland?”
Waydiimaha Historical ka ah sida xiriir xummo jirtay ayaa bannaanka lagu soo dhigaa qaab su’aaleed dabacsan bannaankana soo dhigi karta waxa jira tusaale:
“R/wasaare waxaa jiray khilaaf u dhexeeyay dowladda Dhexe iyo puntlnad, marka halkuu ku dambeeyay. Waydiintii Farxqan Jimcaale waxay ahayd sidan: “Dadka Soomaalidu waxa ay ogyihiin in xiisad ay idin ka dhaxeyso adinka iyo Puntland xitaa gacan ku hayn… marka soo la’isma dhihi karo marti ayaad ku tahay Garoowe?”
Waydiimaha qayaxan ee baarista ku saleeysan waa kuwa ugu Muhiimsan ee dadku ay ku helaan macluumaadka ay uga baahan yihiin madaxdooda…
Weriyaha uma bannaana in uu go’aanno ku dhawaaqo ..wanaa waajib in uu fursad uu isku difaaco siiyo la wareystaha.
Waxyaabaha iiga muuqday wareeysiga waxaa ka mid ahaa in uu sabbeynayay oo uusan hal moowduuc ku jaan go’nayn, maxaa yeelay hirbaaciisu waxa uu u dhexeeyay:
1-Socdaalka garowe
2-Dagaalka Ka dhanka ah Al-shabaab
3-Qorsha ammaanka dalka iyo Bixista Ciidamada AMISOM iwm.
Waydiintii guuleeystay waxaan u arkaa in ay ahayd tan AMISOM….
Ugu dambeyn waxaan aamin sanahay Farxaan Jimcaale in uu haystay fursad xog intaasi ka badan looga heli karay R/wasaaraha Soomaaliya.
Waxaad si xor ah iila soo wadaagi kartaa aragtidaada tan aad is leedahay kuma habboona meesha.
W/Q: Aweys Xasan Maxamed
aweyscodey@gmail.com
WhatsAp: +252615852752
FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan.
Hadalsame Media