DHEGEYSO: RW Khayrre oo dhaliilay ”Inuu qabiil kasta tuulo maamul ka samaysto” + Sawirro

0

(Garoowe) 31 Luulyo 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayrre oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta dawlad gobaleedka Puntland ayaa hoolka Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa uuna ku baaqay in Colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq lagu bedelo Xasilooni, horumar iyo midnimo.

“Aafada cusub ee dagaalka Tukaraq ee nahor taallaa waa in lagu bedelaa xasilooni, waa in lagu bedelaa horumar waa in lagu bedelaa midnimo. Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waa Muqaddas. Dadka Soomaaliyeedd meel kala aadimaayaan hadii ay wax kala tabanayaan waa in ay isu yimaadaan. Hadii aad tahay Dhalinyaro Haween iyo Culimo, qof waliba oo Soomaaliyeed waa in uu aqbalaa dhib waxaa noogu filan 30-kii sano ee lasoo dhaafay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayrre.

”Dunidii oo dhan baa is xulufaysanaysa, waayo waddan kaliya meel wuu taagnaan waayay, balse haddii aan Soomaali nahay, iyadoo la joogo qarniga 21-aad weli waxaa maskaxdeenna ku jirta inuu qabiil kasta tuuladiisa ka samaysto maamul u gooni ah” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media