(New York) 31 Luulyo 2018 – Labada dal ee Eritrea iyo Somalia ayaa isku raacay inay si rasmi ah usoo ceshanayaan xiriirkoodii diblimaasiyadeed kaddib 15 sanadood, kaddib markii ay labadan dal ee dhaca Geeska Afrika ay arrintaa uga dhawaaqeen heshiis ay ku kala saxiixdeen caasimadda Eritrea e Casmara oo uu booqasho ku joogo madaxwaynaha Somalia.
Madaxwyanaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa QM ugu baaqay inay Eritrea ka qaadaan cunaqabataynta loo saaray eedaha la xiriira inay hubeeyaan ururka Al Shabaab ee xag-jirka ah, kaasoo ay beenin jireen.
Golaha Amaanka ee QM oo shalay kulmay ayaa isna soo saaray war ku aaddan inay soo dhowaynayaan isbedellada ka soconaya gobolka Geeska Afrika ee khuseeya 3-da dal ee Somalia iyo Eritrea iyo Ethiopia.
Eritrea ayaa ku baaqaysa in laga qaado cunaqabataynta saaran, taasoo ay taageero uga heshay dalalkii ay colka la ahayd ee Ethiopia iyo Somalia, balse waxaa weli ku dheggan Djibouti oo soo jeedisey inaan cunaqabataynta la qaadin ilaa inta la xalinayo khilaafka dhanka xuduudda ah ee labadaas dal ka dhexeeya.
Yeelkeede, GAQM oo 2009 cunaqabatayn saaray Eritrea kaddib markii ay diiddey inay ciidamadeeda kala baxdo dhul lagu muransan yahay ayaa haatan sheegay inay jiraan tillaabooyin lagu xallinayo khilaafkaasi sida uu sheegay danjiraha Sweden ee Olof Skoog, oo haatan ah madaxwaynaha Golaha Amaanka oo looga fadhiyo inay cunaqabataynta ka qaadaan Somalia iyo Eritrea.
Hadalsame Media