DAAWO: “Xaaskaygu waa Japanese, mayee xaaskaygu waa Chinese,” – Wasiirka Dibadeedka UK oo Shiinaha ka xanaajiyay!

0

(Beijing) 30 Luulyo 2018 – Jeremy Hunt ayaa u muuqda nin qaaday isla jidkii khaladka miiran ahaa ee Boris Johnson, kaddib markii uu galay wax lagu sheegay “khalad wayn” kaddib markii uu xaaskiisa Chinese-ka ah Japanese ku sheegay, jeer uu weliba is lahaa kobci xiriirka UK iyo China oo dartii u tegey Beijing.

Hunt ayaa haatan wasiirka arrimaha dibedda u magacaaban wax bil ka yar, balse durba wuxuu sababay yax-yax. Mar uu is lahaa waxaad xaaskaaga u adeegso qaab aad isugu soo dhowaysid UK & China, kahor xilli ay EU leexin rabto Britain ayuu xaalkii ugasii daray, kaddib markii uu xaaskiisa Lucia Guo oo Shiinays ah ku sheegay inay ka timid Japan, oo ah dal ay Shiinaha coltamayeen kumannaan sano.

“Xaaskaygu waa Japanese – xaaskaygu waa Chinese. Taasi waa khalad wayn oo la galo,” ayuu u sheegay dhiggiisa China Wang Yi.

“Xaaskaygu waa Chinese carruurtayduna waa bar-Chinese waxaana leenahay waalidkeed oo Chinese oo ku nool Xian marka xiriir qoys oo adag baan China la leennahay,” ayuu yiri isagoo xusaya Xian oo ah magaalo qadiimi ah oo dhacda woqooyiga China.

Hadalsame Media