“Waa soo dhowaynayaa lkn cudur daarka 3 qodob ayaa ka dhiman” – CC Warsame

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2018 – Waxaan soo dhowaynayaa cudurdaarka horudhaca ah ee uu Gudoomiyaha ururka ONLF sheegay in uu ka helay Madaxweyne Farmaajo. Sedex qodob ayaa cudurdaarka ka dhiman :-

1- Cudurdaar buuxa oo uu Madaxweynuhu siiyo Shacabka Soomaaliyeed, maadaama dhiibista Qalbidhagax ay ahayd danbi laga galay Shacabka. Waxaana taa cadayn u ah falceliska shacabka meel kasta oo ay joogeen iyo duruuf kasta oo ay ku sugnaayeen.

2- Waxaan kaloo madaxweynaha xil ka saaran yahay in Xukuumadu ay ka laabato go’aankii ahaa in ONLF ay urur argagexiso tahay, loona ogolaado in ay Muqdisho xarun ka furato.

3- In uu Madaxweynuhu balanqaad siiyo Shacabka Soomaaliyeed in uusan mar danbe muwaadin Soomaaliyeed shisheeye u gacan gelin doonin.

Hadii kale Madaxweynuhu wuxuu u muuqanayaa nin cadaadiska Ajnabiga u nugul oo dhiibista Qalbidhagax ay Itoobiya oo ONLF ka soo horjeeda ku cadaadisay, halka cudur daarkana Eritrea oo ONLF taageersan ka dalbatay.

Hadalsame Media