Somalia iyo Eritrea oo kala saxiixday heshiis rasmi ah (Qodobbada)

0

(Casmara) 30 Luulyo 2018 – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo saddexdii maalmood ee tagey ay wada-hadallo uga socdeen magaalada Asmara ayaa kala saxiixday heshiis afar qodob ka kooban, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Eritrea.

Afarta qodob ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Isaias Afwerki ay ku heshiiyeen ayaa kala:

1- Soomaaliya waxaa lagu maneystay inay ku taal bar istaraatiiji ah iyo kheyraad daabiic ah. Si kastaba, waxay dhibaato kala kulantay ka faa’iideysashadooda sababo la xiriira dhibaato gudaha ah iyo faragelin dibedda ah. Sidaas darteed Eritrea waxa ay si xooggan u taageereysaa madaxbannaanida siyaasadeed, qarannimo iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadaallada dadka iyo dowladda Soomaaliya ay kusoo celinayaan heerkii ay Soomaaliya xaqa u lahayd, iyo ku guuleysashada hadafyada ay dadka Soomaaliyeed ku faanaan.

2- Soomaaliya iyo Eritrea waxay isku dayi doonaan inay dhisaan xiriir aad u dhow oo siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, dhaqan iyo sidoo kale wada shaqeyn difaac iyo mid amni.

3- Labada waddan waxay aas-aasi doonaan xiriir diblomaasiyeed ayaga oo is-weydaarsan doona safiiro, waxayna sare u qaadi doonaan xiriirka ganacsi iyo kan maal-gashi, ayaga oo sidoo kale is-weydaarsan doona waxbarashada iyo dhaqanka.

4- Eritrea iyo Soomaaliya waxa ay ka shaqeyn doonaan heshiis lagu xoojinayo nabadda gobolka, xisloonida iyo is-dhexgalka dhaqaale.

Hadalsame Media