MAQAAL MICNAYSAN: Umaddu waa wada Hafiye & Hurgufe ee sidee ku helayaan hoggaan hebed ah?!

0

(Hadalsame) 29 Luulyo 2018 – Magaalada amaankeedu ma sugna oo hadda in sannad iyo dhawr bilood ah waxay gacanta ugu jirtey Kornayl Hurgufe iyo ciidamadiisa.

Dareen ayaa habeen walba lagu seexdaa markii idaacadaha laga maqlo wararka dhiillada leh ee sheegaya in iyo ciidamo daacad u ah Kornayl Hafiye ay magaalada ku soo wajahan yihiin.

Cibaado iyo Cambaro waa laba hooyo ku saaxiibay suuqa ay ku iibiyaan qudaarta. Waxay gogladaan jawaanno is dhinac yaal oo ay ilmaha ka masruuftaan. Cibaado iyo Cambaro ma yaqaanaan Internetka soomaalidu waraka ku soo qoraan laakiin wiilal dukaan xawaalad ah haysta ayaa maalin walba u akhriya wixii maanta mareegaha internetka ee Soomaalidu soo qoreen:

“Ciidan siideed boqol ah oo uu horkacayo Kornayl Hafiye ayaa u soo ruqaansaday dhinaca magaalada Qaxujoog”
“Lix gaari oo hub ah oo loo malaynayo in uu leeyahay Kornayl Hafiye ayaa ka soo tallaabay xuduudka Itoobiya.

“Kornayl Hurgufe oo wacad ku maray inuu ka difaaci doono magaalada cadawga soo jireenka ee ah ee Itoobiya iyo xulufadooda”

Cibaado in kastoo aad wax looga iibsado oo ganacsigu si fiican ugu socdo, haddana welwelku wa ku weyn yahay oo inay qaxdo oo ganacsigeedu ka lumo ma jecla. Aad ayey uga sheekeysaa nimcada hadda lagu haysto magaalada iyo khasaaraha ka iman kara haddii dagaal dhaco.

Cambaro iyadu waa iska af gaaban tahay oo xiise badan uma hayso idaacadaha iyo wararka laga sheego, waxay xoogga saartaa sidii ay u iibin lahayd dhamaan qudaarta ay subixii soo gadato waayo maalmaha intooda badan lagama wada iibsado qudaarta.

Mar mar ayey tiraahdaa “Cibaadooy, Hurgufahaan hadda leh amxaaraan waddanka ka daafacayaa soow ma aha kii labo sano ka hor isaguba hubka ka soo qaatay?” “Muxuu isaga dhigayaa waddani?”
Cibaado ma jecla in sidaas loola hadlo “Walaaleey afkii Hafiye ha igula hadlin, danta guud in la eegaa fiican. Hadduu Hurgufe hub soo qaatay, qofna dhib uma geysan oo waa adiga hadda sida xorta ah uga ganacsanaya suuqa”

Galab ayaa lagu argagaxay dhawaqa rasaas culus oo ka yeeraya meel aan magaalada ka fogayn. Sawaxan iyo dhaqdhaqaaq ayaa magaaladii ka bilawday.

Markii xabbada shanqarteedu soo dhawaataba waxaa sii yaraanayey dadkii dariiqyada marayey. Waagu markuu baryey ayaa dadkii si tartiib-tartiib ah u fureen irridaha si loo eego waxa ka dhashay colaaddii.

Waxaa lagu waabariistay ciidamadii Kornayl Hafiye oo meelihii muhiimka ahaa gacanta ku dhigay, hub badan oo magaalada maraya iyo xabbado goos-goos ah oo hadba meel fog iyo meel dhaw ka yeeraya.

Maalintaas suuqii qudaarta dad badani ma iman, laakiin maalintii ku xigtey ayaa xoogaa ammaankii xasilay oo suuqii caadi ku soo noqday. Cibaado subaxaas ma soo degdegin sidii caadiga ahayd oo waqti barqadii ku dhaw ayey si taxadar leh suuqii u timi.

Waxaa ka yaabiyey inay weydey jawaankii ay goglan jirtey, suuqa waxaa ka muuqday dad aan horay wax ugu iibin jirin oo hadda meelihii ugu muhiimsanaa fariistay. Xoogaa markii ay doondoontay jawaankii ayey aragtay Cambaro oo jawaankeedii iyo dhawr kale is dhinac dhigatay oo laba wiil u gadayaan qudaarta iyaduna meel aan fogayn kursi ku fadhida.

“Cambaro walaal mahadsanid, si fiican baad yeeshay haddaad jawaanadii noo sii gogoshay. Yaa, …, oo…, oo ma joogtay? Waxaan moodayey inaad xalay dadkii baxay ku jirtaye? Bal anaa meel kuu raadin doona.”
“Raadin maxay ah?…Meeshaanu waa meeshaydii jawaankuna waa jawaankaygii ee maxaa soo kordhay. Maxaad meel iigu raadinaysaa?

“Maya walaal alaabtii ayaa igu badatay, macaamiishaydii meel aan kala geeyo ayaan la’ahay, adigana ilaa saaka wax i kaa weydiiya ma arag…, bal xoogaa i sug Cibaado.

Cibaado hadalkii ayaa ku dhegey.
Iyadoo caraysan oo afkii engegay ayey iska dhaqaaday waxay tagtay gurigii, koob biyo ah ayey meel la fariisatay. Weli waxaa madaxeeda ka sii yeerayey hadaladii Cambaro. Waxay bilawday inay si hoose isula hadasho.

“Waa yaab!, maxaa is bedelay, maxay saaxiibadday u damacday inay shaqadaydii iga qaadato?”
“Sow ma oga inaan agoon korsado?”
“Yaa magaalada isku haystey? Ma aniga iyo Cambaro, mise Hafiye iyo Hurgufe?

“Ma kursi baa la isku haystay mise jawaanno?”

Waxay is weydiisay:
“Balaayada, fitnada Soomaali dhex taal, ma kornayladaa iyo siyaasiyiintaa kor ka soo shida, mise annaga masaakiinta ah ayaa hoos ka hurina oo markaasay kornayladu dusha ka sii afuufaan?”

Markii Cibaado caradii ka degtey ayey dib u xasuustay in markii Hurgufe magaalada ka talinayey, ay iyaduba xoogaa ka jawaano badnayd Cambaro kana macaamiil badnayd.

Way is yara canaanatay, oo waxay is tiri belaayada iyo colaada aan dhammaanayn illeyn kornaylada keligood ma wadaan ee UMMADDOO DHAN AYAA WADA KORNAYL AH.

Waxay is tiri, markii kornayl cusub magaalada qabsado, iskuuladu waxay yeeshaan macallimiin cusub, suuquna ganacsato cusub. Intaasi armay awalba dagaalka ku wada jireen?

Waxay xasuusatay in saaka subixii ay maqlaysey cod aanay hore u aqoon oo masjidka ka addimayey. Waxay is tiri “Malaha Hafiye xataa mu’adinkiisa watey!”
Waxay is tiri si kursiga la isugu oggolaado, marka hore waa in jawaanada la isu oggolaadaa. Suuqleyda, jamaacada masjidka, iyo iskuuleydu tartanka qabiilaysan ha ka baxaan.

Waxay is tiri qabyaaladda marka dukaamada laga dhex saaro, oo jaamacadaha laga soo bixiyo oo weliba mixraabka masaajidka laga soo jiido ayaa kurisiga xukunkana laga saari karaa.

Xigasho: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media