(Hadalsame) 29 Luulyo 2018 – Muddo dheer xiriirka u dhaxeeyo Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika wuu dansanaa laakiin hadda wax walba waxay isu baddalayaan si dhaqso ah. Maxaa sababay isbaddalkaan? Yaa dabada ka riixayo, dan baa noogu jirto mise faaiido? Qormooyin dhowr ah ayaan isku dayi doonaa, haduu Eebbe idmo, inaan kusoo bandhigo jawaabaha su’aalahaan.
Furintaanki kanaalka Suways sanadki 1869-ki ayaa baddalay gabi ahaanba Badda-Cas. Habayn qur ah ayay iska baddashay gacan yar oo aan cidna qiimo ugu fadhin isuna baddashay halbowlaha ugu muhiimsan isu socodka ganacsiga dunida. Si loo muujiyo ahmiyadda marinka cusub, farshaxanaystihii Faransiiska ee Frederic Bartholdi ayaa soo bandhigay taallo weyn oo laga dhiso irridka kanaalka Suweys loona bixiyo ‘taalladii horumarka.
Hasa ahaatee, mashruucii taallada waxba kama suuragalin. Dowladdi Masar ee waqtigaas jirtay ayaa deyn badan ka qaadatay bangiyadii Ingriiska si ay u dhisto kanaalka. Sharci jiray qarnigii sagaal iyo tobnaad, oo loogu talagalay in marmarisiyo looga dhigto dhul boobki ree Yurub, ayaa dhigayay in haddii deyn qabuhu bixin waayo deynta lagu leeyahay dalkiisa uu xoog kula wareegi karo midka uu daynta ka qabo. 14 sano ka dib Ingiriisku sidaas ayuu yeelay oo wuxuu la wareegay kanaalki oo dhan. Arrintaas wali waa jirtaa laakiin si dadban ayaa loo qaataa. Sida Shiinuhu hadda u qaatay xeebaha Siira-Laanka halkaan ka eeg.
150-kii sano ee xigay dunidu waxay u arkaysay Badda-Cas farac yar oo ka mid ah marinka Suweys. Muddadaas waxaa dhacay dagaalo waaweyn iyo qalaalaase ballaaran laakiin labo jeer kaliya ayuu xirmay marinka Suweys sidii loo furay. Mar waxay ahayd 1956-kii oo loo yaqaan qalalaasihii Suweys. Qalalaashaan ayaa yimid ka dib marki uu Jamaal Cabdinaasir qarameeyay kanaalka ka dib markii uu Ingriika iyo Maraykanku uga baxeen ballamo ahaa inay dhaqaale xooggan siin doonaan. Ka dib Ingriiska ayaa isku dayay inuu xoog kula wareego markale inkastoo uu Maraykanku ku diiday. Kanaalka ayaa xirnaa intii u dhaxaysay Oktoobar 1956 iyo Maarso 1957-kii.
Marki xigtay waa dagaalki Carabta lagu ihaanaysatay ee loo yaqaan dagaalki lixda bari ee ay la galeen Yuhuudda. Markaan kanaalku wuxuu xirnaa lix sano oo xiriir ah. Badda-cas waxay sidoo kale u adkasatay dhibaatooyinki ay geesanayeen burcad badeeda soomaalida iyo kooxaha kale ee aagga ka dhawaa.
Siyaasiyiinta iyo dowladaha kaliya maahan waxa illaaway ahmiyadda Geeska Afrika ee xataa cilmi-baarayaasha ayaa ka maagay inay u fiiro yeeshaan waxa ka socdo mandhiqaddaas. Alex De Waal oo ah khabiir ka faalloodo siyaasadda Geeska Afrika qorayna buug uu kaga hadlayo siyaasadda Geeska Afrika, dhaqaalahiisa iyo aminigiisa ayaa yiri “Badda-cas waxaa xaqiray cilmi-baarayaasha iyo khuburada ka faallooto siyaasadda.
Sida loo xaqiray waxaad ka arki kartaa marki aad baarto waxa laga qoray gobalka. Google Scholar waxaa uu soo sarayaa 37 ciwaan kaliya marki aad galiso Badda-cas oo lagu daray nabad iyo amni halka usoo saarayo 530 ciwaan marki aad galiso Gacanka Carbeed”. Alex ayaa ku daray in buuggi ugu danbeeyay ee qiimo leh ee laga qoray mandhiqaddaan la qoray 1985’ti. Arrintaas ayaa ku tusayso in ahmiyaddii gobalku raacay dhammaadki dagaalki qaboobaa.
Tani waxay ku tusaysaa in gobalka aysan cidna isku shuqlin muddo dheer. Alex waxaa uu u aaneeyay xaqiraadda Badda-cas inay ku taal labo gobal oo kala duwan: Bariga dhexe iyo Afrika kuwaas ay yartahay waxa mideeyo oo isku meel jihayn karo.
Marar dhowr ah ayaa la isku dayay in la sameeyo madal u gaar ah Badda-cas. Sanadihii 70aadki iyo 80aadki Sacuudiga iyo Masar ayaa mid walba mar gooni isku dayay inuu dhiso madal ay ku midaysan yihiin dalalka ku deedsan xeebaha Badda-cas. Laakiin labada isku dayba ma aysan guulaysan. Sababta ugu muhiimsanayd ee guuldarrada keentay ayaa ahayd kala qaybsanaanti uu keenay dagaalki qaboobaa iyo su’aal ahayd inay madasha Israaiil xubin ka noqonayso.
Dhawaan qorshihii markale ayaa lasoo nooleeyay. Ergayga gaarka ah ee Yurub u xilsaaran Geeska Afrika ayaa soo jeediyay in dib loo dhaqaajiyo madasha Badda-cas maadaama uu marinku aad muhiim ugu yahay ganacsiga Yurub la leedahay dunida kale. Waxaa raacay Masar oo marinka Badda-cas u aragto farac ka mid ah kannaalka Suweys.
Hasa ahaatee su’aalihii hore ayaan meesha wali ka bixin sida ka mid noqoshada Yuhuudda, sida laga yeelayo waddamada gobala awoodda ku leh laakiin aan Badda-cas daris la ahayn sida Itoobiya iyo kaalinta ay ku yaalanayaan wadamada aysan marin Badda-cas laakiin dano waaweyn ku leh gobalka sida Imaaraadka.
Sagaashamaadki, danaha siyaasadeed Carabta ka laayeen Geeska Afrika wuxuu ahaa kaliya kuwa la xariiro diin. Ha noqoto la dagaalanka Al-qaaidda ama faafinta afkaar iyaga u gaar ah iyagoo u maray mashaariic kheyri ah. Laakiin hadda waxaa jiro damac dhaqaale oo ay adag tahay in la mideeyo.
Qore: Ibraahim Shire
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
Hadalsame Media