(Torino) 29 Luulyo 2018 – Dayuuradda Cristiano Ronaldo ayaa dhowaan soo caga dhigatay gegada dayuuradaha Caselle Torinese Airport.
Jookarka reer Portuguese ayaa dayuuraddiisa khaaska ah kala soo degey isagoo gacmaha ku sita wiilkiisa ugu yar waxaana lagu gelbiyay 6 gaari oo Jeep ah oo sugayay.
Laacibka oo ay sidoo kale wehliso xaaskiisa Giorgina, ayaa berri markii ugu horreeysey taariikhda berri galab ku biiraya tababarka kooxda Juventus ee xerada Continassa.
Hadalsame Media