(Riyaad) 28 Luulyo 2018 – Sucuudiga Carbeed ayaa gebi ahaanba joojiyay saliiddii ay dhoofin jireen ee u mari jirtey Badda Cas ka gadaal markii jabhadda Yamaniga ah ee Xuutiyiintu weerar ku qaadeen laba Tankar oo saliid qeeriin sidey.
Xuutiyiinta, oo ah jabhad la olog ah dalka ay Sucuudiga Carbeed coltamaan ee Iiraan, ayaa ku gooddiyay inay leeyihiin awood badeed ay ku duqayn karaan ”bartilmaameedyo” kale marka ay marayaan marinka Bab El-Mandeb, oo aasaasi u ah badeecooyinka ay Sucuudigu u diraan Bariga Dhexe iyo Yurub.
Markabka la weeraray lagama soo sheegin saliid daadatay ama dhaawac gaarey, balse Sucuudiga ayaa sheegay inay marka hore arrinta eegayaan kahor inta aanay tillaabo qaadin. Tankar qaada 2 milyan oo fuusto oo saliid qeeriin ah ayaa Arbacadii lagu weeraray, Baabul Mandab, iyadoo la sheegay inay jug aan waynayn loo gaystay.
Sucuudiga ayaa qiime sare ku bixinaya faragelin loo arkay qar iska xoornimo aan horay u dhici jirin oo ay isaga iyo dalal kale oo oo Carbeed oo Imaaraatku ka mid yahay ku weerareen dalka Yaman.
Bab al-Mandeb oo isaga dhan balliciisu 18 mayl yahay, taasoo sahlaysa in la bartilmaameedsan karo maraakiibta maraysa, ayaa sanadkii 2016 waxaa Sucuudiga u martay 4.8 milyan oo fuusto, waloow ay saliid badani ka dusto Kannaalka Suways oo dhanka kale uga darsama Badda Dhexe.
Hadalsame Media