SAWIRRO: Maraykanka oo CUDUDDA CARBEED u adeegsanaya badbaadinta Israel (Dalkee la weerarayaa?)

0

(Washington DC) 28 Luulyo 2018 – Dalka Maraykanka ayaa si qaboow u wada qorshe uu doonayo inuu ku abuuro xulufo cusub oo siyaasadeed iyo mid amaan oo ay ku midaysan yihiin isaga iyo dalalka 6-da ah ee Khaliijka + Masar iyo Urdun si cududdooda iyo coodkooda loogu adeegsado burburinta Iiraan oo ay Yuhuuddu u aragto cadow halis ku ah jiritaankeeda.

Aqalka Cad ayaa doonaya inuu dalalkaa la yeesho wax lagu sheegay iskaashi qoto dheer oo ah dhanka daafaca gantaalaha, tababarka ciidan, la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiyada dhaqaale iyo kuwa diblomaasiyadeed, sida ay iluhu u sheegeen Reuters.

Qorshaha Aqalka Cad oo ay ilo ku dhow dhow Maraykanku ku tilmaameen “Carab NATO” kana kooban dalal wada Sunni ah ayaa ujeedka laga leeyahay waxay tahay in cududda Carbeed iyo tan Muslimiinta kale loo adeegsado qaab lagu difaacayo Israel oo ay dalalkani inta badan si dadban iyo si toos ah uga talo qaataan.

Washington, Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa Iiraan ku eeddeeyay in ay ”xasillooni darro” gobolka ka waddo, isla markaana ay halis ku tahay dowladda Yuhuudda, balse halista koowaad ee uu qorshahani wajahayo waa Qadar oo ay dalalka Khaliijka col yihiin.

Hadalsame Media