(Muqdisho) 28 Luulyo 2018. Ciidamo aan la ogayn halka ay ka yimaadeen ayaa saakay aroortii hoygiisa kala baxay Ismaaciil Yuusuf fantastic oo ka mid ah wariyaasha Shabeelaha Hoose.
Sida la sheegay Raga wariyaha gurigiisa kala baxay ayaa ku la bisnaa dareeska ciidanka Dowlada, waxaana cabsi xoogan ay soo food saartay ehelka wariye fantastic.
Ismaaciil Yuusuf ayaa ka shaqaynayay Radio Wanlaweyn, waxa uuna ka ahaa Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha.
Qoraal la soo dhigay bogga Internetka ee Radio Wanlaweyn ayaa lagu xaqiijiyay Falkaan.
Aggaasimaha idaacadda Wanlaweyn Ismaaciil Mire ayaa inoo sheegay in ciidamo aan la garanayn halka ay ka tirsan yihiin ay wariye Ismaaciil Yuusuf gurigiisa kala baxayn, waxa uuna xusay in xiriiro kala duwan ay la sameeyeen sarakiisha ku sugan Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Hadalsame Media