Maxay AMISOM ka tiri amarkii lagu siiyay inay ka guurto Stadio Muqdisho?

0

(Muqdisho) 28 Luulyo 2018 – Taliyaha howlgelinta AMISOM Korneyl Fabian ayaa maanta ka hadlay barnaamij looga hadlayay xasilinta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho wuxuuna soo hadal qaaday kabixitaanka Ciidamada AMISOM ay ka baxayaan Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

Korneelka ayaa hoosta ka xariiqay kabicitaanka Ciidamada AMISOM ee garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho in uu yahay qorsho hor yaala Ciidamada AMISOM islamarkaana ay horay u dajiyeen ka dib markii amar ku aadan arintaasi ay ka heleen dowladda Soomaaliya dhawaane ay faarujin doonaaan oo ay ka bixi doonaan Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

Hadalka korneyl Fabian oo ah Taliyaha howlgalinta Ciidamada AMISOM ayaa imaanaya kadib markii Ra`iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku amray in si dhaqsi ah ay uga baxaan Ciidamada AMISOM Garoonka Muqdisho.

Hadalsame Media