Isbedello kale oo lagu sameeyay qaab-dhismeedka amaan ee Gobolka Banaadir

0

(Muqdisho) 28 Luulyo 2018 – Waxaa isbeddello muuqda lagu sameeyay qaab abaabulkii hannaanka amaan ee magaalada Muqdisho.

Saadaq Joon ayaa laga dhigay taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, halka taliyaha Booliiska Waddooyinka ee Taraafikada loo magacaabay Jeneraal Axmed Xasan Maalin.

Gebi ahaanba waxaa la baabi’iyay taliskii ciidanka NISA ee qaybta Gobolka Banaadir sida ilo wareedyo ii xaqiijiyeen, isbedelkaan ayaa la sheegayaa inuu qayb ka yahay qorshaha cusub ee suggida iyo xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Hadalsame Media