DHAGAYSO : Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre oo AMISOM ku amray in ay ka baxaan Stadium Muqdisho

0

(Muqdisho) 28 Luulyo 2018. Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada AMISOM ay ugu baxaan tuulada Isboortiga ee Stadium Muqdisho.

Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay barnaamij xiriirada Isboortiska ee dalka ka dhisan ay Baahidooda ku soo bandhigayeen ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada AMISOM ay ku wargaliyeen in ay ka baxaan groonka , sidoo kale dib u dhis lagu sameeyo,  laguna wareejiyo gacanta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga.

“Waxaan codsanay in ciidanka laga saaro  Stadium Muqdisho, qorshaha hor marinayd ee Isboortiga waxaa Wasaaradda garab ku siin doona golaha Wasiiradda si loo xaliyo baahida dhallinyarada ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre.

                                         Hoos ka dhagayso 

Hadalsame Media