(Mekelle) 28 Luulyo 2018 – Jabhadda Tigreega ee markii dambe xisbiga siyaasiga ah u xiib siibatey ee TPLF oo haatan u muuqata mid laga tuuray xilkii ay muddada dheer ku dangiigtey ee dalkaasi Itoobiya ayaa si rasmi u muujisatay inay go’eeyso.
“Ama xushmad baannu ku wada noolaanaynaa ama waxaannu kala diraynaa Itoobiya”, ayuu yiri guddoonka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) Md Debretsion Gebremichael oo maanta hadlayay.
Jamaahiirtii dhegeysanaysay khudbaddiisa oo lagu qabtay garoon wayn ayaa mar qura ku qaylinaysa ‘Yidegem [yacni ku celi]’ iyagoo farxad la boodboodaya.
Waa markii ugu horreeysay ee ay TPLF soo hadal qaaddo bayaankii ay soo saartay 1976-kii, taasoo ay ku dalbanaysay madax bannaani ay kaga go’do dalwaynaha kab-kabka ah ee Ethiopia.
Itoobiya ayaa u muuqda dal wajahaya mustaqbal aan kala caddeeyn, iyadoo ay Tigreegu ciyaarayaan shaxda ah ”cadkaanoow ku cunay ama ku ciidee”.
Hadalsame Media