DAAWO: Ma Xasan Sheekh ayaa shalay khaldanaa mise Warsame ayaa hadda saaxigii keenay?

0

(Hadalsame) 28 Luulyo 2018 – Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamud xiligi doorashada wuxuu eedayn kulul u jeediyey Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame (AAW) oo uu ku edeeyey inuu gatay dhaxalki ilmaha somaaliyed ee uu kala jeeday Badda Soomaaliya inuu muran geliyey.

Xasan Sheekh ayaa tibaaxay in laga fiirsado in ragga noocaas ah lagu aamino hoggaanka dalka isagoo durayay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Balse qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Madaxweynihii hore hadana ku yiri ”waxaa AAW kala tashaday xaaladda dalku marayo iyo sidii arrimihiisa la iskaga kaashan lahaa.

Su’aasha aan jawaabteeda ku wareeray ayaa ah ma Madaxweyne Xasan ayaa isbeddel ku dhacay oo ku biiray ragii uu shalay ku eedeynayey inay Badda gateen mise Cabdiraxmaan CabdishakUur ayaa Shacabka Somaaliyeed Cafis wAydiistay oo Noqday shakhsi nadiif ah?

Saaxiib Sidee kula tahay Jawaabta hadalka madaxweyne hore Xasan Sheekh?

Halkan hoose ka daawo….

 

W; Q: Saadax Axmed Sonna

FG: Aragtida uu warkani xambaarsan yahay waa ra’yi u khaas ah qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media