DAAWO: Dawooyin la sheegay in ay Israel siisay kooxo xag-jir ah oo lasoo bandhigay!

0

(Quneitra) 28 Luulyo 2018 – Dowladda Suuriya ayaa sheegaysa in ciidameedu saanad dawooyin ah oo ay Yuhuuddu ku deeqday ka heleen isbitaal goobeed ay lahayd Jabhat Fateh al-Sham oo awal loo yaqaanney Al-Nusra Front, oo xiriir la leh Al Qaacidda, gobolka istaraatijiga ah ee dhaca koonfur galbeed Suuriya ee Quneitra.

Muuqaallo uu soo bandhigay TV-ga dowladda Syria ayaa muujinaya isbitaal ku yaalla meel la iskaga tillaabo oo u dhow dhulka ay Yuhuuddu haysato Golan Heights, halkaasoo ay yaallaan dawooyin, shaybaar iyo agab kale oo ay sameeyeen Yuhuudda, Imaaraatka iyo Urdun.

Ciidamada Suuriya ayaa sheeganaya inay sidoo kale horumar wayn ka sameeyeen dhanka koonfureed ee ay weli ku dambeeyaan kooxda Daacish, gaar ahaan biyooleeyda Yarmouk oo dhacda gobolka Darca.

 

Ma aha markii ugu horreeysay ee Israel lagu eedeeyo inay kalkaasho kooxaha dabka iyo holaca ka oogaya dunida Muslim-ka, waxaana ka horreeyay muuqaal kale oo ay ciidamada Israel ee IDF ku qiranayaan inayba soo qaadaan oo gudaha dalkooda ku daweeyaan, iyagoo adeegsanaya caqliyadda ah ”cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa.”

Hadalsame Media