(Milano) 28 Luulyo 2018 – Waxa markale soo laabtay wararka Antonio Conte la xiriirinaya xilka AC Milan tiiyoo ay jirto in Leonardo uu sheegay inuu joogayo macallin Gennaro Gattuso.
Macallinkii hore ee Chelsea ayaa horraantii bishan laga diray xilkii uu ka hayay kooxda reer London, kaddib bilo xanuun badan oo uu socdey wada xaajoodkii xilka Blues loogu dhaariyay Maurizio Sarri.
Yeelkeede, tan iyo markii uu nin xor ah noqday waxaa Conte lala xiriirinayay kursiga kooxda Rossoneri, oo haatan gashay gacanta shirkadda Elliott oo isbedello muuqda ku samaysay maamulka Milan.
Tuttosport ayaa saaka qoraya in Conte uu todobaadka soo socda la fariisan doono Maareeyaha Guud ee Leonardo si ay uga wada hadlaan inuu isla hadda qaban karo kooxda San Siro.
Hadalsame Media