XILALKA QAAR DHIG: Milkiilaha Facebook oo ”mooshin” laga keenay! (Khasaaro $119 bilyan oo doollar ah)

0

(Menlo Park, CA) 27 Luuyo 2018 – Guddoomiyaha Facebook ee Mark Zuckerberg ayay xaaladdu ku xun tahay, kaddib markii ay sharikaddu shalay oo Khamiis ahayd khasaartay $17 bilyan oo doollar, iyadoo ay saamiyada Facebook hoos u dheceen 20 boqolkiiba, waxaana haatan bilowday inay saamileeydu ku baaqayaan in la dhimo saamaynta uu hay’adda ku leeyahay.

Yeelkeede, lacagta uu lumiyay madaxwaynaha Facebook ayaa 1/5 ka ah lacagta uu haysto oo haatan noqotay $70 bilyan oo doollar. Zuckerberg ayaa sidoo kale kale u dhacay kaalinta 6-aad halkii uu awal 3-aad taagnaa marka la eego liiska bilyanleeyda ee Bloomberg Billionaires Index.

Facebook ayaa sidoo kale suuqa saamiyada Maraykanka hal maalin ku lumiyay $119 bilyan oo dollar, kaddib markii la saadiyay in sanadaha soo aaddan ay faa’iidadiisu hoos u dhici doonto.

Sidaa darteed, qaar ka mid saamileeyda Facebook maalgashada ayaa ku baaqaya in la kala dejiyo awoodaha badan ee uu leeyahay Zuckerberg. Tusaale ahaan, hay’adda Trillium Asset Management, oo leh saami dhan $11 milyan oo doollar oo ay gashatay Facebook, ayaa keentay hindise ah in Zuckerberg mid laga qaado xilalka Guddoonka iyo Agaasimaha Guud ee Facebook oo uu isku hayo, sida uu qorayo Business Insider.

“Agaasime Guud o misna ah guddoomiye wuxuu saamayn karaa ajendaha guddiga fulinta taasoo daciifinaysa awooddii ay ku go’aamin lahaayeen maaraynta hay’adda,” ayay ku doodaysaa.

Hadalsame Media