WAR CUSUB: Madaxwayne Farmaajo oo booqanaya Eritrea

0

(Muqdisho) 27 Luulyo 2018 – Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa berritoole ku wajahan booqasho rasmi ah oo uu ku tegi doono caasimadda Eritrea ee Casmara.

Madaxwayne Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu marti qaad rasmi ah ka helay madaxwaynaha Eritrea ee Isaias Afwerki.

Sida ay warar lagu faafiyay Twitter-ku sheegayaan booqashada madaxwayne Farmaajo ayaa qaadan doonta muddo 3 maalmood ah.

Somalia iyo Eritrea ayaan wax xiriir ah oo diblomaasiyadeed lahayn tan iyo jiritaankii dalkaas, tiiyoo aysan jirin colaad horay u dhexmartay.

Casmara ayaa durba gashay isu diyaarinta booqashada madaxwaynaha Somalia.

Hadalsame Media