LA YAAB: Sweden oo markii ay damin wayday dabkii kaymeheeda ku fakaday BAMBOOYIN nool cirka uga DUQAYSAY (Daawo)

0

(Stockholm) 27 Luulyo 2018 – Sweden ayaa hindistey qaab la yaab leh oo ay ula dagaallanto dabka ku baxsaday kaymaha dalkaasi, habkaasina wax kale maaha ee waa in dhirtaasi hawada laga bambeeyo ama laga garaaco.

Dabka ayaa ku fiday meelo ka mid ah gobollada dhexe ee Sweden, wuxuuna markii dambe ku dhowaadey goobo ay layli millateri ciidamadu ku sameeyaan oo ay yaallaan waxyaabaha qarxa, waxaana laga yaabay inuu dhibaato kale gaysto.

Ciidamad Cirka Sweden ee loo yaqaanno Svenska Flygvapnet ayaa haddaba keenay fikrad la yaab leh iyagoo u diray laba miig oo bambooyin uga soo tuuray 3,000 oo mitir, iyagoo rajaynaya in cadaadiska ka imanaya bambooyinku uu dabka baqtiiyo.

Halkan ka DAAWO….

“Dabka waxaa ogsijiinka looga saari karaa iyadoo la kaashanayo cadaadiska bamka, waana isku daynay, waayo dabku wuxuu gaarey heer uu aad u qaxo,” ayuu yiri Johan Szymanski oo madax u ah guutada dab damiska iyo samata bixinta.Waana lagu guulaystey ilaa xad, waayo bambooyinkii lasoo tuuray waxay damiyeen dab ilaa 1000 mitir ku fadhiyay, sida uu qorayo The Local, iyadoo bamka la adeegsaday oo yahay GBU-49 sida uu qorayo Aftonbladet, xawaareheeduna waa 550 km/saacaddii kahor inta aysan ku dhicin bartilmaameedkeeda.

Sweden ayaa dab dhireed la daalaa dhacaysay in ka badan labadii todobaad ee tegey, iyadoo ay gobollo badan dadka ka mamnuuceen inay karsadaan barbecue.

Sweden, oo ah dal uu badanaa heerkulku joogo 23 darajo oo Celcius ah xilliga xagaaga, ayaan u diyaarsanayn la tacaalidda kulaylkan oo gaarey 31 darajo oo Celcius ah, waxayna taasi keentay inay kaalmo ka hesho dalalka EU iyo kuwa EEA.

Hadalsame Media