(Beled Xaawo) 28 Luulyo 2018 – Ciidamo Kenyan ah ayaa la sheegayaa inay kufsi iyo tacaddu u gaysteen gabdho Soomaaliyeed, isla xuduud-beenaadka Kenya iyo Somalia.
Gabdhaha oo sida la sheegayo ay midi ugub tahay isla markaana da’ yar tahay ayaa u socdey dhanka Mandheera iyagoo sheegay inay jidka u istaageen laba askari oo kaddibna dhex geeyay kuwo kale, halkaasoo lagu kufsaday.
Gabdhaha ayaa la sheegayaa inay dhaawacyo xumi soo gaareen sida ay dhakhaatiirtu sheegayaan. Nin guddoomiye sheeganaya oo laga waraystay ayaa yaraystay dhibka dhacay isagoo duug duugaya dhibaatada ihaanada ah ee hablaha ku dhacday.
Ciidamada Kenyan-ka ayaa tacaddiyo nooc walba ah ka gaysta dalka Somalia, gaar ahaan gobollada Gedo iyo Jubada Hoose oo ay Somalia ka joogaan, waxaana markasta ka aamusan dowladda Somalia.
Halkan ka dhegeyso waraysiga
Hadalsame Media