DAAWO: Boqollaal muhaajiriin ah oo Afrikaan ah oo DULMARAY magaalo yar oo Spanish ah + Sawirro

0

(Ceuta) 27 Luulyo 2018 – Boqollaal muhaajiriin ah oo kor u dhaafaya 700 ka soo cararay Afrika ayaa jabsaday xayndaabkii xadka Ceuta, sida ay sheegayaan Ilaalada Madaniga ah ee dalka Spain, waxaana halkaa ku dhaawacmay in ka badan 100 ka mid ah qaxootigii iyo 15 ka mid ilaalada.

“In ka badan 700 ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya” ayaa isku dayay inay soo jabsadaan xaydaabka xadka, waxaana sidaa kusoo gudbey ugu yraan 602 ka mid ayay yiraahdeen ilaaladu, waxaana sida ay sheegtay laanta Laanta Qayrta Cas ay halkaa ku dhaawacmeen 132 ka mid ah, halka 11 kale oo dhaawacyo uu jab ku jiro loo dhigay isbitaallada maxalliga ah, iyadoo ay sawirradu muujinayaan iyaga oo boodboodaya oo ciyaaraya.

Warfaafinta Spanish-ka ayaa sheegaysa iyadoo soo xiganaysa booliiska in bilihii dambe ay aad u kordhaysay tirada soo galootiga oo weliba qaab xoog ah kusoo gelaya xadka.

Ceuta waxay ka mid ah laba gayi oo ay Spain ku leedahay Woqooyiga Afrika, iyada iyo Melilla. waana meel ay soo maraan Afrikaanka doonaya inay Yurub u tillaabaan, waxaana Spain sanadkan 2018 oo qura halkaa kasoo galay 19,000 oo qof sida ay sheegayso IOM.

Muuqaalkan ayaa wax badan ka sheegaya sida ay u fashilantay siyaasadda Afrika oo ay madaxdu kaliya ka fikiraan in ay kaligood noolaadaan, iyagoo qaaradda ku hoggaamiya siyaasad aan hiraal lahayn balse ku dhisan shilin uu maalinta helo oo kaddib ay ihaano ka dambayso.

Hadalsame Media