(Madrid) 26 Luulyo 2018 – Jookarka Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lasoo sheegayaa in loo jaray xabsi laba sandood ah kaddib markii lagu helay inuu canshuur la fakaday, balse dhici mayso inuu xabsi galo.
Sida ay sheegtay hay’adda canshuuraha ee EFE, Agencia Tributaria – oo ah hay’adda dakhliga u ururisa Spain – wuxuu xukunkaasi sidoo kale xambaarsan yahay ganaax lacageed oo dhan €19m oo euro.
Barbaarka reer Portuguese ayaan xabsi gelin doonin, balse waxaa lagu helay inuu dembigan ku kacay intii u dhaxaysay 2011 iyo 2014, wuxuuna CR7 dowladda Spanish-ka kala gooyey €1.39m, €1.66m, €3.2m iyo €8.5m sanadahaasi.
Spanish-ka ayaa sheegay in xabsiga ay ugu bedelayaan ganaax lacageed, yeelkeede, xabsigu khasab ayuu noqonayaa haddii dembigan oo kale uu galo labada sano ee soo aaddan.
33-jirkan ayaa haatan €112m rikoodh jebis ah ugusoo wareegay Serie A-da Talyaaniga.
Hadalsame Media