WARBIXIN XIISA LEH: Ninka aad kabo ka tolaneeyso kabihiisaa la eegaa!!

0

(Hadalsame) 26 Luulyo 2018 – Arrimaha aan ka hadlaayo waa xaqiiq leh tixraac: Kobaca dhaqaale ee dowladda Turkigu waxay ka dheereeysay sanadkii la soo dhaafay China iyo India. (Turkey’s economy expanded faster than China and India last year thanks to a surge in spending both by households and the government) sida ay qabto Bloomberg.

Halbeegga lagu cabiro dhaqaalaha ee la yiraahdo ee wax soo saarka guud ee maxalliga ah Gross Domestic Product (GDP) waxay kor u kacday 7.4 boqolkiiba in 2017, afartii quater daqliga wuxuu kor u maray 7.3 boqolkiiba.

Waxaa la saadaalinayaa kaddib sanadka 2020, inuu Turkiga ka mid noqdo 10 dowladood ee aduunka ugu dhaqaalaha badan.

AWOODDA MILLATERI

Dowlada Turkigu waa dowlad xoog badan marka ay timaado dhanka ciidanka, ciidankeeda waxaa lagu sheegay inay yihiin kuwa 8-aad ee ugu awoodda badan adduunka. Turkigu waxay xubin ka tahay NATO waana dowladda labaad ee ugu ciidanka badan NATO, ciidankeeda waa 743,415. 382,850 oo ah kuwa diyaarka ah iyo 360,565 oo ah ciidanka kaydka (reserve forces) Lacagta ku baxda ciidanka difaaca dalkooda (Turkey’s defense budget) waa $8.208.000.000 bilyan oo doollar.

Dowladda Imaaraatka shacabkeeda waa in ka yar hal milyan oo qof, halka ciidanka dowladda Turkiga ay yihiin in ka badan 1 milyan, waxay kaloo dowladda Turkigu leedahay wershado Yurub oo dhan wax kasta u sameeya.

Dowladda Imaaraatku waxay is tustay inay Soomaaliya kula tartanto kana saarto Turkiga, waxaan ognahay in maanta dhaqaalahii Imaaraatku uu hoos u dhacay uuna ku dhaw yahay EBER, waxaa maalinkasta parking-ka Airport-ka Imaaraatka laga qaadaa 150 gaari oo ay gacansato cararaysaa meesha uga tageen, sida ay qoreen wargeeysyada caalamiga ee ka faallooda dhaqaalaha.

SIDEE ISU KAASHAN KARNAA?

Hadaba waa inay Soomaalidu fahantaa in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid labada shacaba dan u ah oo xoojin kara inay Soomaaliya noqoto Dubai-da Africa, haddii lala yimaado siyaasad iyo qorshe bisil.

Waxay runtu tahay in Geeska Africa haddeey Soomaaliya iyo Turkigu sameeystaan xiriir dhankasta ah inaysan jirin dowlado ka hor istaagi kara hurumarkaas dhaqaale, lakiin waa goormee? Waa Marka ay Soomaalidu yeelato aragti dheer oo ay dhinac iska dhigaan waxyaabaha yaryarka ah ee dhex yaalla, una soo jeestaan dib u dhiska dalkooda.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

W; D: Sheekh Nuur A Qaasim

 

ANKARA, TURKEY – APRIL 26 : (—-EDITORIAL USE ONLY MANDATORY CREDIT – “TURKISH PRESIDENCY / YASIN BULBUL / HANDOUT” – NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS – DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS—-) Somalian President Mohamed Abdullahi Mohamed (L) and Turkish President Recep Tayyip Erdogan (R) shake hands before their meeting after their an welcoming ceremony at Presidential Complex in Ankara, Turkey on April 26, 2017. (Photo by Turkish Presidency / Yasin Bulbul/Anadolu Agency/Getty Images)

Hadalsame Media