Isku aadka horyaalka Talyaaniga oo fiidkii la samaynayo (Xeerar cusub oo la tixraacayo)

0

(Milano) 26 Luulyo 2018 – Waxaa caawa fiidkii la samaynayaa isku aadka horyaalka Serie A-da Talyaaniga, kaasoo sanadkan yeelan doonaan xeerar adag oo fara badan oo loo cuskan doono sida ay ciyaarahani u qabsoomi doonaan.

Waloow ay koox weliba tan kale la kulmayso laba kulan oo kala jeed ah, isku aadku waa jar ka booddo, tusaale ahaan afarta kulan ee ugu dambeeya kulamadu waxay u kaltamayaan guri iyo bannaan guri, kooxina ma heli doonto laba kulan oo is xiga oo ay xaafaddeeda joogayso ama laba is xiga oo ay bannaanka u baxayso, inta u dhaxaysa todobaadka 35 iyo 38.

Fasal-ciyaareedka oo dhan, ma jiri doonto koox gurigeeda ku dheeli karta ama ka maqnaan doonta wax ka badan laba kulan oo is xigta, waxaa taa dheer in midkoodna kooxaha halka garoon ama guri wadaaga sida Empoli, Fiorentina, Juventus, Torino, Roma, Lazio, Milan, Inter, Genoa iyo Sampdoria aysan hal todobaad ku wada dheeli karin garoonkooda.

Sidoo kale kulamada dhacaya bartamaha todobaadka kuma jiri doonaan kuwo ay dhexdooda iska arkayaan kooxaha, Inter, Juventus, Lazio, Milan, Napoli iyo Roma, sidoo kale waxaan dhici doonin kulamada derby-ga ah ee magaalooyinka Genoa, Roma, Torino iyo Milano.

Sidoo kale kulamad xiisaha badan ee derby-gu ma dhici doonaan todobaadka furitaanka iyo midka xiritaanka ee 1-aad iyo 38-aad, ku darso kooxaha todobaadka 1-aad kulmay fasalladii 2016-17 ama 2017-18 todobaadka 1-aad iskuma soo aadi karaan sanadkan, sidaa darteed, Fiorentina ma wajihi karto Juventus ama Inter, si kastaba. Waxaa xeerkaa la qaba kooxaha sidoo kale ciyaaray kulamadii xiritaanka ee fasalladaa aan sheegnay.

Inter, Juventus, Napoli iyo AS Roma, oo sanadkan Serie A ku metalaya Champions League, lama ciyaari karaan kuwa Europa League ugu jira Talyaaniga sida Atalanta, Lazio iyo AC Milan, marka la joogo todobaadyada 5-aad, 8-aad, 13-aad iyo 16-aad.

Kooxaha garoomada wadaaga, kooxdii sanadkii tegey garoonkeeda ku bilaabatay, fasalkan waa dool oo dibedda ayay u baxaysaa, tusaale ahaan Milan iyo Lazio waa guri joog, Inter waa safraysaa, Genoa waa guri joog, sidoo kale kooxihii kulankii ugu dambeeyay guri baxa ahaa, fasalkan waxay ku dhamaysanayaan gurigooda.

Waxaa kale oo sanadkan lasoo kordhiyay in dhacdooyinka waawayn ee magaalooyinka la waafajiyo kulamada Serie A, si aan is dardar u dhicin, tusaale ahaan, kooxda Bologna waa maqan tahay 6-da Oktoobar marka ay magaaladaa ka dhacayso Tour of Emilia, sidoo kale  Fiorentina ayaa maqnaanaysa Sebtembar 16 markaasoo uu gurigeeda ka dhacayo Koobka Kubadda Laliska Adduunka, halka Nofembar 11 ay bannaanka kusoo ciyaarayso maaddaama uu garoonkeeda ku dheelayo xulka rugby-ga Talyaaniga.

SSC Napoli ayaa iyaduna sanadkan ku khasban in ay gurigeeda ka maqnaato kulanka furitaanka maaddaama dayactir lagu sameeynayo garoonkeeda Stadio San Paolo, waxay sidoo kale maqan yihiin Febraayo 24 maaddaama uu magaaladeeda ku qabsoomayo Oltremare Half Marathon.

Hadalsame Media