Chelsea oo weerar kusoo qaadday Juventus + Faahfaahin (Granovskaia oo Milano soo gaartey)

0

(Milano) 26 Luulyo 2018 – Kooxda Chelsea, oo ay hor kaceeyso Marina Granovskaia, oo ah gacanta midig ee Ramon Abramovich, ayaa soo gaartey caasimadda xarragada Talyaaniga ee Milano iyadoo uu wehlinayo wakiilka Fali Ramadani.

Blues ayaa si rasmi ah u bilaabaysa wada xaajood ay la gelayaan kooxda Juventus, waxaana saxanka saaran Gonzalo Higuain, Daniele Rugani iyo Miralem Pjanic.

Waxay sidoo kale la fariisanayaan AC Milan oo ay ka doonayaan Pepe Reina, oo hadda uun kulankiisii ugu horreeyay saaka u saftay kooxdiisa oo uu sheegay inuu doonayo inuu 150 kulan u dheelo, balse uu aad u qiimeeyo macallinka  Chelsea Maurizio Sarri.

 

Hadalsame Media