
(New York) 26 Luulyo 2018 – Aktarka magaca mala awaalka ah ee James Bond ee Daniel Craig ayaa booqday xiddigaha kooxda Liverpool oo uu la dabaal degey kulankii International Champions Cup oo ay 2-1 uga badiyeen Manchester City fiidnimadii xalay.
Aktarkan oo taageere wayn u ah kooxda Reds ayaa sawirro xusuus leh la galay daafaca Virgil van Dijk, jookarka Maxamed Salaax iyo xiddigaha caalamiga ah ee England ee Joe Gomez iyo Daniel Sturridge.
Laacibka cusub ee Fabinho, oo £44milyan kooxdan uga yimi AS Monaco, ayaa isna helay fursad uu waqti kula qaato jilaaga Craig, oo goob joog ahaa kulankii MetLife Stadium ee New York.
Hadalsame Media